Madaxweyne Farmaajo oo Careysan Dalkaan Ma Samatabixin Karaan

Intiina sida dhow ula socota hab dhaqanka ugub ah ee ku cusub saaxada siyaasadda dalka durba waa ay haleeli karaan su’aashani jawaabteeda,

waxaase rabaa in kuwa jawaabtaas MAYA aan nala qabin inaan sharraxaad ka siiyo sababta aan ugu yeeray Mudane Maxamed Farmaajo hoggaamiye careysan.

Maalinkii axadda ah ee 21-04-2019 ka furitaanka shirkii culimada ee Xamar madaxweyne Farmaajo khubad dheer oo socotay ku dhowaad 15 daqiiqo ayuu madasha ka jeediyay taasoo uu kaga hadlay culeysyada dowladdiisa heysta xilligani iyo arrimaha siyaasadda. ee Madaxweyne Farmaajo Gacantiisa iyo Afkiisa ku sameeyey mudadii uu xilka hayo.

Fallanqeynteeydani waxaa ku eegayaa khudbaddaasi madaxweynaha, dabcan intiina dhagaysatay ama daawatay hadalkii madaxweynaha gebigiisba wuxuu ahaa mid iska hor imaanaya.

Tusaale fudud waxaa weeye akhristayaal in madaxweynaha uu eedeeyay mucaaradka kuna tilmaamay kuwa wax duminaya, isweydiintu ma xumee, Alshabaabka dagaallama isagu waa mucaarad ceynkee ah haddii baarlamaankii labadiisa aqal ay noqdeen kuwa wax dumiya?!

Tan kale madaxweynaha wuxuu soo hadal qaaday culeeys maaliyadeed oo heysta xilligani dowladda uu hoggaamiyo, sida aad ka warqabtaan labada sano oo dowladdani ay talada dalka heyso waxaa jira dhaqaale badan oo malaayiin dollar ah kuwaasoo caalamka uu ku yaboohay,

maxaa madaxweynaha uu u caddeyn waayay halka ay ku baxeen kharashaadkaasi.
Tusaale ahaan 50-kii Malyan ee Sacuudigu ugu deeqay Soomaaliya iyo malaayiinta kale oo deeq bixiyeyaasha ay ku taageereen dib u dhiska dalka.

Halkaa waxaa iiga muuqanaya inuu jiro musuq baahsan oo u baahan in baaritaan caalamiya ah ay ku sameeyaan hay’adaha qaabilsan dhaqaalaha ee dunida.

Sida aragtideeyda siyaasadeed ay sheegeyso, ugu yaraan waxay ahayd in madaxweynuhu shacabka uu u sharraxo halka ay xukuumaddiisa ku bixisay dhaqaalahaasi kaddibna qeylodhaanta dhaqaale yarida uu shaaciyo.

Dalkii waxaa ka taagan khilaafyo siyaasadeed oo ragaadiyay hiigsiga dowladnimo ee Soomaaliya, labada sano ee madaxweyne Farmaajo xukunka uu hayo in khilaafku uu circa isku sii shareero maahee ma jirin wax la xalliyay iyo tallaabo xagga isu soo dhowaanta ah horay looga qaaday.

Waxaa meesha ka maran sida aan arkayo xasilooni siyaasadeed madaxweynahana diyaar uma ahan gaaristeeda.

Buuqa Siyaasadeed ee gudaha: dhawr Qodob oo muhiima!

1- Dowladda iyo dowlad goboleedyada oo wali heshiinin

2- Labada gole ee baarlamaanka oo aan wada shaqeynin

3- Arrimaha dib u eegista dastuurka oo khilaaf uu hareeyay
4- Doorashooyinkii rajada shacabka ahaa oo naxuusay

5- Ammaankii caasimadda oo faraha ka baxay

6- Ciidankii dowladda oo xuquuq la’aan ka cabanaya
Buuqa siyaasadeed ee dibadda:

Siyaasada iyo xiriirka caalamka

1- Khilaafka Khaliijka oo dowladdu ay ku maareeysay rabitaankeeda

2- Xiisadda Kenya oo weli alloosan

3- Iskaashiga gobolka oo danaha Itoobiya suntan oo ay dowladda dhex booday

4- Cadkeennii Jabuuti walaalahayo oo la dhabar wareemay

Muddo laba sano ah oo ay dowladda shaqeeyneysay waxaa madaxweynaha uu ku celceliyay in dowladdiisa ay la dagaallamayso musuqa walina waa uu taagan yahay.

Waxaa taas ka sii daran oo walaaca iminka la qabo uu yahay arrimaha doorashooyinka baarlamaaniga ah iyo tan madaxweynaha oo ballanku uu ahaa 2021-ka in doorasho hal cod iyo hal qof ah ay dhacdo balse ay muuqato in wadadeedii aanan la haynin.

Waxa ahayd in madaxda dalka ay caddeeyso qaabka ay noqonayso doorashada 2021-ka, haddii aynaan jirin dibindaabyooyin u qarsoon.
Gunaanad:

Waxaan fallanqeynteyda ku soo koobayaa, madaxweynaha sharafta leh waa inuu shacabka ka fahamsiiyaa hababka uu u isticmaalayo gaarista iyo hirgalinta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya,

waxaa muhiim ah in madaxweynuhu uu wax ka beddalo qaababka uu u wajahayo arrimaha dastuurka, amniga, federaalka iyo doorashooyinkaba si dalka uu u gaaro xasilooni siyaasadeed iyo xasilooni amni.

Dawlada Madaxweyne Farmaajo maxaa laga bur buriyey oo ay hirgalisay waa in wax la iska waydiiyaa ?

xukumada Raysal wasaare khayre arimaha dastuurka amniga. dhismaha ciidanka sameynta lacag.iyo IWM waxba ka qaban

hadii hogaanka Madaxweyne Farmaajo
Khaladkiisa loo Tilmaamo wuxuu dalkii iyo dalkii ku Tilmaamay waa shacab xanaaqsa iyo siyaasiyiinta Xanaaqsan.

Hada waxaa sax ah in Madaxweyne Farmaajo
uu Noqday hogaamiye kaCarooday Xaqiiqda dalka ka jirt ee khilaafka siyaasadee ah carodarteed uu u arko Horumar lagaaray labada sano ee xilka uu hayo.

Danjire Maxamed Maxamuud (Caalim), aqoonyahan wax ka Qora Dawlad wanaaga iyo khilaaf yada siyaasada ee somalia

Deggan: Magaalada Helsink ee dalka Filand
Xidhiidh: Caalim68@hotmail.com