Hogaamiyaha mucaaradka Turkiga oo la weeraray

Kemal Kılıçdaroğlu ayaa ka qeybgalayay aaska askari Turkiga looga dilay xuduuda Ciraaq
Hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CHP, Kemal Kılıçdaroğlu, ayaa waxaa weeraray dad caraysan xilli uu ku sugnaa aas caasimada Ankara loogu sameynayay askari laga dilay milateriga dalkaasi.
Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya ninkaasi oo lagu xoonsan yahay iyadoo qaar kamid ah dadka caraysan ay isku dayayaan inay feer la dhacaan.
Ciidamada ammaanka ayaa Mr Kılıçdaroğlu ka waday meesha, waxaana uu galay guri meesha ka ag dhawaa ilaa inta ay ka dareerayeen dadka caraysan.
Mr Kılıçdaroğlu ayaa ka qeybgalay aaska si uu uga tacsiyeeyo askariga Turkiga looga dilay dagaal ay milateriga dalkaasi kula galeen xooggaga Kurdiyiinta ee PKK meel u dhaw soohdinta Ciraaq.
Qaar kamid ah dadka ka qeybgalayay aaska ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in hogaamiyaha mucaaradka uu goobta joogo, waxaana arinta ay markii dambe isu bedeshay gacan ka hadal sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Turkiga, Anadolu.
Xisbiga CHP ayaa qiray in Mr Kılıçdaroğlu la weeraray, balse ma aanu sheegin inuu dhaawac soo gaaray iyo in kale. Waxa uu intaa ku daray in tallaabo sharci laga qaadi doono “dembiilayaasha falka geystay”.