Guddiga amniga Jubbaland oo amaro soo saarey

Kulan ay ku yeesheen Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Guddiga amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay kaga hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen adkeynta amniga, xoojinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo diyaar garoowga Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddiga Amniga ayaa waxaa ay soo saareen amaro la xiriira Gawaarida aan sharciga laheyn,sida sharciga lahaanshaha, taarikada warqada wada marsiinta iyo qodobo kale.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u sharaxay amarada kasoo abxay guddiga amniga dowlad Goboleedka Jubbaland, isaga oo digniin u diray darawalada Gaadiidleyda ka howlgalla Magalada Kismaaayo.

Sidoo kale gudiga amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey in inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan ee maalmo qura inaga xigaan la adkeyn doono amniga magaalooyinka waaweyn ee dowlad Goboleedka Jubbaland.