Gudoomiyaha Waxbarashada ee degmadda Marka oo kormeer ku sameeyeen Goobaha Waxbarashada

Gudoomiyaha Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Degmada Marka, Mudane Cabdixakiin Cabdi Siidow oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Marka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ayaa waxay kormeer ku sameeyeen Goobaha Waxbarasho ee Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaa kormeerka loogu gol-lahaa darsida baahida adeegyada waxbarasho ee Degmada, iyo qaabka ugu haboon ee loo abaari lahaa si loo hubiyo inay Degmada ka hirgasho waxbarasho tayadeedu sarayso.

Gudoomiye Cabdixakiin iyo mas’uuliyiitii ku wehlisay kormeerka ayaa waxay mid mid u booqdeen Fasalada Goobaha Waxbarasho ee Degmada ayagoo warbixino ku saabsan xaalada waxabasho ee Degmada ka dhagaystay Maamuleyaasha Goobaha Waxbarashada ee dugsiyada hoose, dhexe iyo Sare, kuwaasoo si faahfaahsan uga war-bixiyay baahida adeegyada waxbarasho.
Waxay sidoo kale Maamuleyaasha Goobaha Waxbarasho soo gubiyeen codsiyo ayagoo dalbaday in dhinacyo badan laga taageero.

Wuxuu Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Marka Mudane Cabdixakiin Cabdi Siidow Isla goobtaasi ugu deeqay 300 $ Iskuulka Alla-Magan oo ka mid ah Goobaha Waxbarasho ee uu bur-bur aad u baaxad wayn kasoo gaartay deganaasho la’aantii ka jirtay Degmada, wuxuuna Muumulka iskuulka ka codsaday inay si deg-deg wax uga qabtaan.

Ugu dambeyn, Gudoomiyaha oo la hadlay ardaydii wax ka baranaysay Goobaha uu kormeerka ku tagay ayaa ku booriyay ardayda in ay sii laba laabaan dadaalkooda Waxbarsho, isagoo dhanka kale aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay Ina ay ardayda Degmada Marka helaan waxbarasho tayadeedu sarayso. Wuxuu Gudoomiyaha balan qaaday in uu isbedel la taaban karo ku sameyn doono dhamaan Goobaha Waxbarasho ee Degmada Marka.