Weerar culus oo ka dhacay Garbahaarey

Al-Shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen Magaalada Garbahaarey ee Caasimadda gobolka Gedo sida ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Gedo.

Weerarka ayaa ka dhacay Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin dhanka koonfureed ee magaalada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaasi,islamarkaana ay dib u riixeen dagaalyahanadii weerarka qaaday.

Ciidamada dowladda Itoobiya ee saldhigga kuleh Magaalada ayaa Madaafiic ku garaacay Magaalada Weerarka ka dib.

Weerarkaasi Al-Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.