Shil bas oo ay ku dhinteen 29 ruux

Ugu yaraan 29 ruux ayaa dhimatay ka dib markii uu waddada ka baxay bas waday dalxiiseyaal Jarmal ah oo marayay jasiiradda Madeira ee dalka boortaqiiska.

Shilkan ka dhacay meesha u dhaw magaalada Caniço ayay sidoo kale ku dhawaacmeen 27 ruux oo kale.

Shilkan ayaa dhacay ka dib markii uu darawalku xakamayn waayay baska oo marayay isgoys joogiisu sarreeyo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Lusa ee dalka Boortaqiiska laga leeyahay.

Baska ayaa dusha ka fuulay guri ku yaalla dhul joogiisu hooseeyo oo aan sidaa uga fogayn waddada uu basku ka dhacay ee joogeedu sarreeyo.

“Erayo aan ku cabiri karo ma jiraan waxa dhacay, waana xamili waayay in aan sii fiiriyo mashaqada meesha ka dhacday,” ayuu yiri duqa magaalada Filipe Sousa oo la hadlay telefishinka SIC TV.

Wuxuu intaas ku daray in dhammaan dadka baska saaran ay ahaayeen Jarmal balse ay jiri karaan dad deegaanka ah oo waxyeelo soo gaartay.

Dadka shilka baska ku dhintay ayaa kala ahaa 11 rag ah iyo 17 dumar ah. sida uu sheegay Filipe.

Pedro Calado oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Madeira ayaa sheegay in badqabka basku uu wanaagsanaa, isla markaasna ay ka hordhicid noqonayso in hadda laga hadlo waxa sababay shilka.