Sharciga noo degsan muxuu Ka qabaa banaanbaxa? Iyo Culumada Cusub.

Dadku haddii ey banaanbaxayaan waa in ey aragtidooda si Xur ah u dhiibtaan, eyna dhoowraan xasloonida, sida aan dareemi karno run ahaantii ma jirto cid gaar ah oo Soo Abaabushay ee waxa ey dadku gudbinayaan dareenkooda iyaga oo codsanayo in culeeys ey dareemeen laga dul qaado.

Dadku Waa in ey iska ilaaliyaan wax kasta oo dhib Ku ah Nafta iyo Hantida qof kale.
Dadka leh lama banaanbixi Karo ama qiil been ah u raadinayo, iyaga ayaa ah kuwa iska hor keenayo shacabka iyo maamulka.

Kuwa Diinta u adeegsanayo caburin, diintu waa nasteexo, dadkii hore ee muslimiinta ahaa waxa ey Soo bandhigi jireen Dareenkooda.

Dadka gadaal u akhri, ma wada taqaan, Culumada caawa iftootay, waxaa Ku jiro kuwa Dowladihii hore ey Ku Soo eedeeyeen qayaano qaran, heerka ugu sareeyo ee qof uu ka galo dalkiisa & dadkiisa, u basaasid cadaw shisheeye, Maxkamad ayaa la hor keenay, markhaati iyo qalabkii lagu Soo qabtayna la hor keenay, laguna cadeeyay.

Kadibna si Sharci ah loogu xakumay, Xabsi daa’im aan cafis leheeyn.

Kuwo kale oo Culumo iyo Siyaasiyiin sheeganayo ayaa iyana galay dambiyo heer qaran ah in kasta oo weli eedeeysanayaal kaliya la dhihi Karo ileeyn maxkamadu kuma cadeeyne.

Waxaase ognahay in eey iib yihiin, sixirkoodana la yaqaan, qof kastana markii uu u baahdo uu u Soo iibsan akro badeeco ahaan.

Dadka gadaal u aqri, ma wada taqaan kuli, wax hubso, iskana ilaali in aad qof been Ka sheegto.

Ciddii banaanbexee waxaa Ka mamnuuc ah in ey dhib u geeysato qof kale oo walaal ah, aragtidaada si Xur ah oo nabad ah u dhiibo.

FG: yeynan isaga kaa darsamin mucaaradnimo, muxaafadnimo iyo xuriyada sharcigaa ee Qofka.

FG: wixii Ka khaldan Ka sax, Aragtidaada Xur ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir.