Ruug-Caddayaal Culus oo loo Magacaabay Xilal Sharaf leh!!!

Waa mutacallimiin sharaf, sumcad iyo tixgalin ballaaran ku dhex leh bulshadooda, caan waxay ku yihiin is-xilqaan, hal-abuur, dadaal, daacadnimo, karti, waddaninimo iyo aragti dheer, shaki kuma jiryo inay ka soo dhalaali doonaan xilalka loo kala igmaday, hubaashii magaacbistooda waa la mahadin doonaa.

Aniga, qof-ahaan farxad ayaan dareemay, kalsooni ayaa i gashay, sawir qurux badan oo ku aadan in afka Soomaaliga uu helay hiil cusub ayaa ii soo baxday, ammaan, bogaadin iyo duco ayaa u hibeeyay madaxdii soo xushay raggaas qiimaha badan.

War aan maqlo midkii ugu wanaagsanaa ayuu ahaa markii Degalka {Website} Aga.so aan ka daalacday in aqoonyahannada ku sifoobay Soomaali jaceylka, aqoon faafinta, hiilka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, illaalinta dhaqanka iyo horumarinta suugaanta Soomaalida loo kala magacaabay xilal qiimo badan ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.

Sida aan ka soo xigtay Degalka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax waxa uu aqoonyannadaas u kala magacaabay xilka uu mid kasta magaciisa ku hor qoran yahay:-

1-Cabdulqaadir Ruumi … Wakiilka AGA ee UK, ahna Kaaliyaha Wakiilka Yurub.
2-Xuseen Maxamed Cabdulle {Wadaad} Wakiilka AGA ee Sweden.
3-Boodhari Warsame…Kaaliyaha Wakiilka AGA ee Sweden.

Hambalyada ka sakoow, aqoonyahannadaas waxay mudan yihiin inaan ugu Duceeyno xilalka loo kala dhiibay inuu Alle u fududeeyo.

WD: C/Laahi Shiikhaalow