AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA OO KAALIN MUG LEH KA QAADATAY TODDOBAADKII SOOMAALIDA EE MAGAALADA MILANO

Toddobaadkii Dhaqanka Soomaalida (Milan Somali Week) oo intii u dhaxeysay  6-13 Abriil 2019 ka socday magaalada Milano ee wadanka Talyaaniga ayaa si rasmi ah loogu  soo gaba-gabeeyay magaaladaas.

Munaasabaddii lagu maamuusayay xiritaanka toddobaadkaas oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax ka socotay magaalada Milano, Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee magaaladaas, masuuliyiin matalaysay Jaaliyadda Soomaalida ee Talyaaniga, aqoonyahanno, qorayaal iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ururka samafalka ee Shukran Nuurta Axmed uu ururkeedu uu soo qaban-qaabiyay toddobaadkaas ayaa sheegtay ujeedada loo qabto barnaamijkaas inuu yahay sidii muuqaal fiican looga bixin lahaa dadka iyo dalka Soomaalida, waxaana ay caddeysay inay ku faraxsan tahay doodaha, qalabka  hiddaha iyo dhaqanka, cuntada, sawirada iyo  filimada lagu soo bndhiggay carwadaas, iyada oo u mahad-celisay dhammaan Hay’adihii iyo marti shataftii ka soo qeyb gashay toddobaadkaas.

Duqa magaalada Milano Barazante ayaa isna sheegay  magaalada Milano inay tahay magaalo caalami ah, oo ka shaqaynaysa horumarinta dalalka soo koraya, waxaana uu soo dhaweeyay qabashada toddobaadka Soomaalida (Milan Somali Week).

Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee Qaaradda Yurub Qoraa Cabdiraxmaan Abtidoon ayaa intii ay socotay carwadaasi  ka soo jeediyay war-bixin ka hadlaysay  sooyaalka sheekada caruurta Soomaalida, sidoo kale Wakiilka Akadeemiyada AGA ee  wadanka Ingiriiska  Dr. Cabdulqaadir Ruumi oo isna ka hadlay  carwadaas ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay qoraalkii farta Soomaalida iyo dadaalaka ay Akadeemiye-Goboleedka  AfSoomaaliga ugu jirto hiilka afka hooyo.

Toddobaadka Soomaalida ee Milano (Milan Somali Week) ayaa sannadkaan noqday  mid si ballaaran loo  jecleystay, waxaana  lagu soo bandhiggay waxyaabo aad u xiiso badan, waxaana dadkii carwdaas ka soo qeyb galay aad u soo jiitay bandhig isugu jiray sawirro iyo filim ay ka sameysay Ololihii horumarinta reer Miyiga gabadha la yiraahdo Elena Bedei.

Barnaamijka Toddobaadka Soomaalida waa barnaamij sannadle ah, waxaana sannad kasta  lagu soo bandhigaa arimo la xiriira dhaqanka, luqadda, cuntada iyo fanka Soomaalida.