TALO SIIN KU SOCOTO XILDHIBAN ILHAN OMAR:

19 nin ee dhibka wayn u geeystay dalka Mareeykanka ee ku laayay kumaan kun qof, 15 ka mid ah ragaasi waxay u dhasheen dalka Sacuudiga, waxaa kaloo ragaasi ka mid ahaa rag u dhashay dalka Emaratiga.

Ka dib guushiini taariikhiga ahayd adiga iyo Rashiida waxay cabsi gelisay dowlada Sacuudiga iyo Emaratiga, isla markiiba waxay bilaabeen dagaal in la idinku qaado oo la idinku tiriyo inaan ka mid tihiin islamic brotherhood.

Markale, markii aad ka mid noqotay gudiga awooda badan ee Arimaha Xiriirka Dibada waxaa sii xoogeeystay cabsida labadaas dowladood ay idinka qabeen waxayna bilaabeen ayagoo lacag badan isticmaalaayo in sumcadiina la dilo.

Waxaan talo kugu Soo jeedinayaa inaad dagaalkooda u diyaar garoowdid oo aad ka hadasho dhibka ay dowladahaasi ku hayaan Yamen iyo xuquuqda dumarkooda ku dhibaateeysan dalkooda, waa inaad ka hadashaa xag jirnimada inay ayaga dhaqaalo geliyaan tasoo keentay nabad gelyo xumada maanta aduunka ka jira.

Waxaad haasataa fursad qaali ah oo aad uga guuleeysan karto dowladahaasi waayo waxay leeyihiin ceeb badan oo aad taageero badan ku kasban karto, taas awgeed waxaan kugula talinayaa in la joogo waqtigii dagaalkaaga aad u wareejin lahayd dhankaas dagaalka laga soo abaabulaayo.

Mahadsanid.

Sheekhnur Abukar Qasin