Hoggaamiyihii Labaad oo Milatari ah oo la wareegay Suudaan

Warbaahinta dowladda ayaa ku dhawaaqday in Madaxa golaha milateriga ee Suudan uu xilka banneeyay maalin un kaddib markii xilka looga tuuray madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamuli jiray ee Cumar Xasan al-Bashiir.

Cawad ibnu Cowf Wasiirka Gaashaandhigga ayaa go’aankiisa waxa uu kaga dhawaaqay taleefishinka qaranka,Waxa uuna xilka ku wareejiyay Cabdulfataax Burhaan oo ah hogaamiye kale oo milateri.

Sababta uu isku casilay ayaa lagu sheegay in ay tahay kaddib markii dibadbaxayaashu ay diideen inay isaga tagaan waddooyinka iyagoo sheegay in hogaamiyayaasha afgambigu ay aad ugu dhaw yihiin Mr Bashiir.

Mr Ibnu Cowf ayaa madax u ahaa sirdoonka milateriga intii ay socotay colaadda Darfur, Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay ninkaasi 2007.