Gudoomiyha Gobolka oo Cambaareeyay Falkii maanta lagu dilay Darawal Bajaaj iyo Shaqsi la socday.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook wuxuu si kulul kaga hadlay dil Askari ka tirsan Ciidamada Booliska uu Isgoyska Howlwadaag ugu gaystay wade mooto Bajaaj iyo wiil la socday.

Dilka loo gaystay labadaasi ruux ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo sababay in ay Ciidamadu dilaan dad hor leh.

“Waxaan cambaareyneynaa dilka loo geystay darawalkii Bajaajka iyo shaqsigii la saarnaa, Booliiska baa ku raad jooga askarigii dilka geystay, Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhex dhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan, Si nabad ah aan shucuurteena u muujino, Waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum” ayuu yiri Gudoomiye Yariisow oo kahadlay labadii marxuum oo dilkooda ay rabshadihii saakay Muqdisho dhacay ka bilaawdeen.