Sidee u kala helaan Kaalmadda Mareykanka dowladda dhexe iyo D/goboleedyadda?

Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald yamamoto ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ku faahfaahiyay deeqaha Mareykanka sidda loo maamulo.

Safiirka waxaa uu sheegay in deeqaha Mareykanka ee Soomaaliya ay yihiin kuwo ku dhisan Xaalada Soomaaliya, islamarkaana dowladda Mareykanka ay si toos ah u siiso deeqaha Ciddda ay khuseyo.

Safiirka waxaa uu sheegay in deeqaha ay yihiin kuwo loo kala qeybiyo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa uu si cad uu sheegay in kaalmadda Mareykanka ee Soomaaliya aysan aheyn Mid soo marto dowladda dhexe ee Soomaaliya, laakiin ay si toos ah ugu dhacdo maamul goboleedyadda iyo Bulshadda la caawinaayo.

“Caawinaada Mareykanka ee Soomaaliya waa Mid loogu tala galay dadka Soomaaliyeed in ay si toos ah u gaarto dhammaan maamul goboleedyadda dowladda Mareykanka deeqaha ay ugu tala galashay si toos ah ayay u siisaa sababta ayaa ah in ay yihiin kuwo u baahan taageeradeena in ay gaarto, Soomaaliya kaliya ah maahan ee Mareykanka taageeraddiisa ayaaba ah in uu siiyo Cidda ay sidda toos ah u khuseyso” ayuu ku yiri Donald yamamoto .