Maraykanka Oo Sheegay In Ay Duqeyn Ku Dileen Sarkaal Ka Tirsan Alshabaab

Taliska Milliteriga Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay dib u bilaabeen Duqeymaha Diyaaradaha ee ay ka fuliyaan gudaha Somalia, kadib markii ay wax yar hakiyeen duqeymahaasi sababo la xiriiray in dad rayid ah lagu dilay duqeymahaasi.

Hadal-qoraal oo ay Taliska AFRICOM shalay soo saareen ayey ku sheegeen inay Talaadadii la soo dhaafay duqeeyn ka geysteen meel ku dhow Degmadda Jilib ee Gobalka J/dhexe, kuna dileen hal Dagaalame oo ka tirsan Alshabab.

Agaasimaha Hawlgalladda ee AFRICOM, Jeneral Gregg Olson ayaa sheegay inaysan dad rayid waxyeello ka soo gaarin duqeynta ka dhacday meel ku dhow Degmadda Jilib, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay DFS ka taageeraan dadaalka lagu xaqiijinayo Deganaanshaha iyo Mustaqbalka Somalia.

Duqeyntan u dambeysay ee ay AFRICOM shaacisay ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu horreeyey ee ay ka fuliyaan gudaha Somalia, tan iyo markii ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ku sheegtay Warbixin ay soo saartay bishii hore ee March 18-dii in 14 qof oo rayid ah lagu dilay, 7 kalena lagu dhaawacay sham duqeymo Diyaaradeed oo ay Maraykanka ka fuliyeen Somalia muddadii u dhexeysay April ee sanadkii 2017-kii ilaa bishii December ee sannadkii hore ee 2018-ka.