Sidee dalalka Maraykanka Iyo Itoobiya ay u yeesheen Xiriir dhow?

Wafti maqaamkiisu sareeyo oo ka socda dalka Maraykanka, ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka Itoobiya kaas oo muujinaya sida Maraykanku uu daneeynayo xiriirka qaarada Africa,sida labada dal ay u yeesheen xiriir dhow ?Wariye James Jeffrey ayaa sharaxaya.
Waxaad dareemi kartaa wax yar uun kadib marka aad ka degto Washinton caasimadda waxaa buux dhaafiyay Ethiopian.

Qurba joogta ka soo jeeda dalka Itoobiya ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa ah jaaliyadda labaad ee ugu badan marka laga yimaada qurba joogta dalka Nigeria ee ku nool Maraykanka waxaana ay door muuqda ka qaataan dib u hagaajinta isbadelada siyaasadda ee dalkaasi ka socda tan iyo sanadkii2018 kii.

Dhanka kale ee arimaha gudaha
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo laga dalbaday inuu iscasilo
Isbaddelada dhacay waxaa ka mid ah furitaanka xudduudaha sii deynta maxaabiis xabsiyo ku jiray dib u soo celinta xorriyatul qowlka warbaahinta iyo xayiraado laga qaaday siyaasiinta ka fikirka duwan dowladda oo horey looga mabnuucay dalka.

Wafti ka socda aqalka Golaha wakiilada Maraykanka ayaa dhawaan ka soo laabtay booqasho ay ku tageen dalalka Itoobiya iyo Eritrea.
Intii lagu guda jiray booqashadaas ayaa Danjiraha Mareykanka u fadhiya Itoobiya Michael Raynor waxaa uu shaaciyay in Maraykanku uu si qoto dheer uga shaqeyn doono xirirka kala dhaxeeya Itoobiya sida dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Boeing 737 Max: Maxaa khaldamay marklii uu dhacayay shilkii diyaaradda Itoobiya?
Xog laga helay sanduuqa madoow ee diyaaraddii Itoobiya
Bishii la soo dhaafay Danjiraha ayaa booqday goobtii ay ku burburtay diyaaraddii Ethiopian Airlines oo ay ku dhinteen dhamaan dadkii saarnaa oo gaarayay 157 qof .

Xiligaas waxaa uu ka tacsiyadeeyay dhibkaas dhacay waxaana uu sheegay in dowladiisu ay gacan taageero ka gaysan doonto baaritaan ku aadan wixii dhaliyay shilkii diyaaradeed.

Xiriirka Gaarka ah.
” Ma jiro dalka African ah oo xiriir heerkaan ah la leh Maraykanka ” ayuu yiri Tewodrose Tirfe, oo ah gudoomiyaha Urur lagu magacaabo the Amhara Association of America, oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka
“Sababtoo ah Itoobiya ma uusan gumeysan waxeey aheed suurta gal in aan la yeelanayo xirir toos ah 1903 kii markii wakilkii Maraykanka uu warqadihiisa ku wareejiyay Boqorkii la oran jiray Menelik.”

Saameynta Maraykanku ku leeyahay Itoobiya ee dhinaca dhaqaalaha waxaa ka mid ah dhinaca maaliyada mana ahan oo kaliya in uu ka taageero maalgalinta ammniga hase yeeshee waxaa jira dhaqaale kale oo aan cadadeeda dhabta ah la aqoonin, waxaana dalka Itoobiya uu ka helay dalka Maraykanka shanti sano ee la soo dhaafay dhaqaale gaaraya 4 bilyan oo doolar waxaana intiisa badan loogu tala galay arrimaha bulshada iyo horumarinta adeegyada.

Dhinaca kale lacagaha ay soo diraan qurba joogta wadamada dibadda ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay sanadkii 2017-kii 4.6 bilyan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Midowga Yurub.
Dhaqaalahaas qurba joogta ka yimaada waxaa inta badan loo diraa ehelada,hase ahaatee waxaa jira kuwa taageera ururada qoomiyadaha ee ka jira gudaha dalka Itoobiya .
Itoobiyaanka ku nool wadamada dibadda waxaa laggu qiyaasaa laba milyan oo qof inkastoo tirade dhabta ah aysan cadeyn hadana hal milyan oo ka mid ah waxaa ay ku noolyihiin Maraykanka milyankaas 250,000 qof oo ka mid ah waxaa ay ku noolyihiin magaalooyinka Washington DC,Virginia iyo Maryland.
Siyaasadda qurba-joogta
Dhamaan jiilasha cusub ee qurba-joogta Itoobiya waxaa ka mid ah.

Suxufiyiin,qoraayaal,aqoonyahano,u dhaq-dhaqaaqayaal arrimaha bulshada kuwaas oo dhamaantood si dhow ula socda arrimaha ka jira dalka iyaga oo mararka qaarna arragtidooda ka dhiibta waxyaabaha socda.
Isbadelka sanadkii la soo dhaafay ka dhacay dalka ayaa sababay in mas’uuliyiin ay ku adkeed in ay dalka dib ugu laabtaan lana shaqeeyaan hogaamiyaasha dalka waxaana ka mid ah xisbiyo siyaasadeed oo horey loo mabnuucay
Ginbot 7, waa mid ka mid ah ururada mucaaradka ah ugu caansan isla markaana la aas-aasay 2008-dii waxaana fikradiisa lahaa Berhanu Nega, oo ah parafasoor wax ka dhiga jaamacadda Bucknell University ee gobalka Pennsylvaniaee dalka Maraykanka iyo waliba qurba-joog kale
Itoobiya oo diyaarisay duulimaad ay haween keliya ka shaqeynayaan
Aabbaha Duuliyaha: Shirkadda Boeing raalli gelinta wey la soo daahday
Itoobiya/Jabuuti : Heshiis laga gaaray dhuumaha qaadaya shidaalka dhulka Ismaamulka Soomaalida
Waxaa isna la mid ahaa Oromo Liberation Front,oo ah urur mucaarad ah oo xafiisyo ku lahaa magaalada Washinton dhamaantood waxaa caqabad ku ahaa dib ugu laabashada dalkooda
Dowladd ay Haystaan Caqabado Badan ay haystaan
Xiligii uu Haile Selassie ka taliyay Itoobiya Maraykanka iyo itoobiya waxaa ay ahaayeen xulufo waxaana dagaalkii labaad ee aduunka ciidamada itoobiya ay taageerayeen maraykanka
Sidoo kale Itoobiya maraykanka waxyaabaha ay iska kaashadeen waxaa ka mid ah dagaalka geeska Africa ee lala galay kooxo islaamiyiin ah oo ay si wada jir ah ula dagaalameen labada dal.
Diplumaasiyiinta Maraykanka ayaa hada sheegaya in ay sameeynayaan wax walba oo awood ah si loo taageero guulaha hogaanka Itoobiya maadama xiriir soo jireen ah uu ka dhaxeeyo labada dal.
Mr Raynor ayaa sheegaya in ay jiraan fursado muhiim ah oo ay haystaan dalalka Maraykanka iyo Itoobiya oo lagu sii horumarinayo xirirka iyo horu u qaadidada talaabooyin wax ku ool ah si looga gudbo caqbadaha weecin kara gaarida hadafyo hor leh.