Muxuu yahay mustaqbalka luqada Faransiiska ee qaarada Afrika?

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa ku tilmaamay Afrika inay tahay “qaarada mustaqbalka”, balse waxay u badan tahay inluqada dalkiisa ay ka badbaadiso hoos u dhaca kasoo wajahay caalamka.
Mar walba oo Dakar uu waagu u baryo, waxa u horeeyo oo la isku salaamo ayaa ah salaanta Faransiiska.
Markii si bilaash ah loogu sheekeysanayo adeegyada telefoonada ee shirakada Orange ay bixiso , ayaa qof baahan oo deegaanka ah uu caasimada Senegal laga yaabaa inuu ka istaago si uu qarash uga helo dukaamada maxaliga ah, ama uu tago dukaamada waweyn si uu wax uga doorto.
Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika oo Ku shiraya Tanzaniya xilli khilaaf ba’an uu ka dhex jiro
Boqor Xayla Sillaase muxuu Taallo ku muteystay?
Dusha sare, Faransiiska ayaa ilaashanaya dalalkii uu horey u gumeysan jiray , shirkadaha waaweyn ee isgaarsiinta, bankiyada iyo kuwa tafaariikhda iibiya ayaa si weyn ugu baahsan guud ahaan dalal badan oo Afrikaan ah sida Senegal, waxa ayna saameyn muhiim ah ku leedhaay siyaasadahooda.
Sababo la xiriira taariikhda gumeysi ee dalkan, ayaa luqada Faransiisku waxay tahay tan rasmiga ah ee looga hadlo dalka Senegal, iyo waliba 19 dal oo Afrikaan ah.
Kororka dhalmada
Waxaa guud ahaan caalamka ku hadla maanta luqada Faransiiska 300 oo milyan oo qof, ku dhawaad 10% ayay ahaayeen tan iyo sanadkii 2014, xog-uruurin dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysa in 44% ka mid ah ay ku nool yihiin dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.
Ethiopian Airlines: Mucjisadii duulimaadka hawada sare ee Afrika
Gabar dhalinyaro ah oo buraanburka ka macaashta
Halka lagu gaaro sanadka 2050, dadka ku hadlaFaransiiska 85% ayaa noqon doono kuwa ku nool qaaradan Afrika, sida laga soo xigtay qiyaas uu sameeyay urur tira-kooba dadka ku hadla luqadan.
Macalimiinta luqadaha iyo kuwa ku takhasusa ayaa arrintaan u sababeynaya kororka caruurta ku dhalata dalalka Afrikaanka ah ee looga hadlo luqada Faransiiska.
Bishii Maarso, wasaaradda dhaqanka Faransiiska ayaa shaacisay in qaamuus cusub oo Faransiis ah la soo bandhigay, kaasi oo laga helayo erey walba oo Faransiis ah oo caalamka looga hadlo.
Luqada Faransiiska ayaa dal walba oo Afrikaan ah looga hadlaa iyadoo lagu daray erayo maxali ah , taasi oo abuurta erayo cusub.
Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
.
Sanadkii 2013, madaxweynaha Ivory coast Alassane Ouattara, ayaa isaga oo adeegsanaya erayo Faransiis ah ku yiri madaxweynihii hore ee Senegal Abdou Diouf “Président, nous sommes enjaillés de toi,” taasi oo macnaheedu yahay”Mudane madaxweyne, dhab ahaantii waan ku jecelnahay.”
‘Qaarad luqado badan’
“Qaarada Afrika markii loo hadlo guud ahaan waa ay kala luqad duwan yihii, ma ahan keliya inay ka jiraan luqado badan balse dadka ayaa ah dhaqan ahaan kuwa ku hadlo luqado badan,” ayuu yiri Souleymane Bachir Diagne, oo ah barafasoor iyo agaasimaha mac-hadka culuumta Afrika ee Columbia.
Ilhaan Cumar oo hab cusub ugu soo rogaal celisay Trump
Xaashi Cumar wuxuu xal u raadinayaa dambi uu 19 sano u xirnaa
Si kastaba, Luqada Faransiiska ayaa ah mid ku xoogan Afrika. Sanadkii 2016 ilaa 2017, 25% ardayda ajnabiga ah ee dhiganayay Jaamacadaha Faransiiska ayaa ahaa kuwa ka yimid Waqooyiga Afrika, 22% waxay kasoo jeedeen dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.
Ardaydaasi ayaa dalalkooda kula laabta aqoon fiican oo dhanka luqadaha ah, taasi oo qeyb ka qaadan doonto mustaqbalka wanaagsan ee Faransiiska ee gudaha Afrika.
“Dadka ayaa umaleeya in luqada Faransiisku ay tahay luqad looga hadlo Faransiiska, taasina run ma ahan. Waa inaa beddelnaa fikradaasi la inaga aaminsan yahay,” ayuu yiri Ms Desbos oo luqad yaqaan ah.