Shir ay ka qeyb galeen Hey’adaha ka shaqeeya xasilinta iyo dowladaha taageera Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay.

Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaqiijinta Amniga deegaanadii ciidanka Xoogga dalka ay ka saareen Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaana ka qeyb galay hey’adaha ka shaqeeya xasilinta iyo dowladaha taageera Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fereraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa soo dhoweeyay howlgalada ciidan ee lagu xoreynayo deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin.

“Waxaan soo dhoweynayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan gobolka shabeellada hoose, kaas oo la doonayo in dib loogu xoreeyo deegaanada ka maqan gacanta Dowlada” ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Wasiirka ayaa sheegay inay si degdeg ah ugu shaqeynayaan xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo in la gaarsiiyo adeegyada nolosha dadka muhiimka u ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay safiirada Mareykanka iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya oo uu kala hadlay kordhinta taageerada mashaariicda xasilinta.

Dhanka kale Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka socday Gobolka Shabeelaha hoose howlgalo Ciidanka Xoogga dalka deegaano muhiim ah kaga saareen Al Shabaab,kuwaas oo dadka shacabka ah mudo badan ku dhibaataynayay.