Dowladda Imaaraadka oo mawaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Dowladda isutagga Imaaraadka Carabta ayaa soo saartay digniin amni oo ay muwaadiniinteeda uga digeeyso in ay tagaan 11 dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

Imaaraadka carabta ayaa Digniintiisa ku sababeeyay xasaradaha siyaasadeed ee ka taagan dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Digniin hore oo Imaaraadku sidaani oo kale ka soo saaray Taggida 13 dal ayaa hada laga saaray labo dal kuwaasi oo kala ah Ukraine iyo Brazil, hase ahaatee Soomaaliya ayaa wali kaalinteedii kaga jirta Digniintaasi amni.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Digniintaasi ay muwaadiniinta uga hortaagantahay Mashaakilka ka jira dalalka ay uga digtay in ay u safraan.

Sidoo kale digniinta imaaraadka carabta waxaa ku xusan Sideed dal oo laga mamnuucay in muwaadiniinta Imaaraadku ay ka kaluumeeystaan waxaana dalalkaasi ka mid ah Thailand, Sudan, Oman, Jordan, Algeria, Iraq, Libya iyo Mauritania.

Dhanka kale Dalka Imaaraadka ayaa ka saaray Soomaaliya liiska dalalka ka kaluumeeysigooda Imaaraadku mamnuucay.