Caqabado Waaweyn oo hortaagan dhameystirka Dastuurka dalka

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sanoter Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in caqabado Waaweyn ay wali ka jirto dhameystirka Arrimaha dib u eegista Dastuurka dalka.

Waxa uu sheegay in Dastuur sax ah hadii uusan jirin ay sii socon doonaan dihibaatooyinka dalka ka jira,hayeeshee looga bixi kara ay tahay in la dhameystiro Dastuurka dalka.

Waxa uu intaa ku daray in Dastuurka kumeel gaarka ah in qofwalba oo siyaasi ah uu sida uu doono u isticmaalayo,isla markaana uu u adeegsanayo danihiisa gaarka ah.

Waxa uuu hoosta ka xariiqay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) in dalka laga dhiso guddiga Sare ee madaxa banaan ee adeega garsoorka dalka iyo maxkamad dastuuri ah si madaxda dalka loola xisaabtami karo.

Isqab qabsiga iyo jahwareerka Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa inta badan waxaa saameyn uu ku leeyahay Dastuurka dalka oo aan loo adeegsaday sidii la rabay sida ay qabaan dad badan, hayeeshee uu soco sidii lagu dhameystiri lahaa Dastuurka dalka.