Deg Deg:-Sirdoonka Soomaaliya oo masjidka Abuu Hureyra ee Muqdisho kala soo baxay imaamka masjidkaasi.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa galabta howlgal saacado badan qaatay waxay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Howlgalka ayaa wuxuu si gaar ah kaga dhacay Masjidka Abuu Hureyra oo ka mid ah Masaajidada ugu caansan ee ku yaala gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Mid ka mid ah jameecadda Masaajidkaasi ayaa saxaafadda u sheegay in Ciidamo si gaar ah u tababaran ay gudaha u galeen masjidka, islamarkaana waxay baaritaano waqti badan qaatay ku sameeyeen jameecadii Masaajidka, salaaddii Casir kadib.

Dhanka kale waxay ciidamadu halkaasi ka soo kaxeysteen Imaamkii Masjidka Abuu Hureyra oo lagu magacaabo Macalin C/raxmaan Guurre, kadib markii uu Salaadda casir Tujiyay Jameecadda masjidka.