Wasiir Ku-xigeen ku Waashay Xildhibaan ayaan ahay, Ciyaalnimo Badanaa!

Jahwareer, Qas iyo fowdo aad u ba’an ayaa maanta ka dhacday Golaha Baarlmaanka Federaalka, laba garab oo iska soo horjeedo ayay u qeybsameen Xildhibaanadii Qaranka, is jiid-jiid dheer kadib waxaa baaqday fadhigii uu maanta yeelan lahaa Baarlamaanka.

Shirrar Jara’id oo iska soo horjeedo ayay qabteen Xildhibaannadii dagaalsanaa, Mudanayaasha taageersan Xukuumadda ayaa dhigooda kale ku Eedeeyay inay yihiin Al-shabaab, halka kuwa kalana ay ku khaylinayeen inaaney Ogoleyn in Xukuumadda ay ka been sheegto Amni-daradda ka jirto wadanka.

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Xildhibaan Aadan Isaaq oo ka mid ahaa raggii ka soo muuqday Saxaafadda ayaa la arkayay isaga oo carreysan kadib markii ay caburiyeen koox Xildhibaanno ah oo fekerkiisa diidaneyd, waxaana uu ku waashey Xildhibaan ayaan ahay! Xildhibaan ayaan ahay!

La yaab ma leh, waa arin iska caadi ah, Ciyaal noqday Wasiir ama Xildhibaan uma xuma.

Wasiir Ku-xigeen ku Waashay Xildhibaan ayaan ahay, Ciyaalnimo Badanaa! Jahwareer, Qas iyo fowdo aad u ba'an ayaa maanta ka dhacday Golaha Baarlmaanka Federaalka, laba garab oo iska soo horjeedo ayay u qeybsameen Xildhibaanadii Qaranka, is jiid-jiid dheer kadib waxaa baaqday fadhigii uu maanta yeelan lahaa Baarlamaanka. Shirrar Jara'id oo iska soo horjeedo ayay qabteen Xildhibaannadii dagaalsanaa, Mudanayaasha taageersan Xukuumadda ayaa dhigooda kale ku Eedeeyay inay yihiin Al-shabaab, halka kuwa kalana ay ku khaylinayeen inaaney Ogoleyn in Xukuumadda ay ka been sheegto Amni-daradda ka jirto wadanka.Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Xildhibaan Aadan Isaaq oo ka mid ahaa raggii ka soo muuqday Saxaafadda ayaa la arkayay isaga oo carreysan kadib markii ay caburiyeen koox Xildhibaanno ah oo fekerkiisa diidaneyd, waxaana uu ku waashey Xildhibaan ayaan ahay! Xildhibaan ayaan ahay! La yaab ma leh, waa arin iska caadi ah, Ciyaal noqday Wasiir ama Xildhibaan uma xuma.#Baarlamaan_Ba_ow_yaa_ku_Lahaa!

Posted by Shiiqaaloow Xasan on Saturday, April 6, 2019

WD: C/Laahi Shiikhaalow