Talalo Waayeel Midna Kama Xumaato

Is cafis iyo isusamir.
Ku madaxweynaha jamuuriyadda federaalka soomaaliya Mudane maxamed c/llaahi farmaajo
Iyo shacabka soomaaliyeed dal iyo dibad

UJEEDDO Is cafin iyo isusamir.
Mudane Madaxweyne adiga Iyo shacabka soomaaliyeed dal iyo dibad Marka hore waxaa idinku salaamayaa Asalaamu Caleeykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu salaan ka dib waxaan Idinka codsanayaa inaad talo waayeel qaadataan inshaa allaah
Mudanayaal iyo marwooyin dalkeena hooyo imtixaan buu ku jiraan waxaana looga gudbi karaa samir iyo iscafin sababtoo ah waxyaabaha dhacaya waa imtixaan waana laga baxayaa wax yar ayaana inoo haray waxa yarna waxaan kaga gudbi karnaa in aan iscafino isuna samirnoiskuna naxariisano .
Haddaba in lees cafiyo leesuna samiro leesuna naxariisto sidee ayaa ku gaari karnaa ama ku heli karnaa waxaan ku gaari karnaa in lahelo maskax caafimaad qabta iimaanna leh sababtoo ah dhacdooyinka dhacaya waxaa usabab ah maskaxda oo xanuunsan waana imtixaan laga gudbi doono inshaa allaah

Dhinaca kale Mudane maxamed c/llaahi farmaajo waxaan idin ka codsanayaa taladeeyda qaataan si looga gudbo kacdoonada iyo dhacdooyinka fuusha xun waayoo talalo waayeen midna kama xumaato Mudane maxamed c/llaahi farmaajo madaxweyne waxaan kaa codsanayaa inaad si dag dag ah iila soo xiriirto si aan isu siino talo tiir u ah dalka madax meel ka sareeyo maleh oo la salaaxo adigaana ah ulil amarkeeni dalkeena soomaaliya waxaana kaa codsanayaa in aad igala soo xiriirto emailkaan hoos ku xusan:-

Caqliwaayeel @Gmail.com