Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Degmada Shingaani+Sawirro

Muqdisho:-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagax dhigay qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay si loogu adeego bulshada degmada Shingaani in ay muhiim tahay ballaarinta xarunta, isla markaana uu maamulka Gobolka Banaadiir ahmiyadda koowaad siinayo dib-u-dhiska xarumaha danta guud oo isxilQaan lagu dhisayo.

Xarunta Degmada Shingaani ayaa lagu soo kordhinayaa qeybo cusub oo isugu jira Hoolka shirarka, Xafiisyo loo dhisayo qaab casri ah, iyadoo bulshada loogu baaqay in doorkooda ay ka qaataan dhismaha Xarunta Degmada.

Duqa Muqdisho waxuu tilmaamay maadaama loo diyaar garoobayo in doorashooyin ay ka dhacaan dalka muhiim tahay dhismaha xarumaha degmooyinka ee loogu adeegayo bulshada ku nool Caasimadda.

“Qeybaha cusub ee lagu soo kordhinayo Degmada Shingaani waa kuwa loogu adeegayo shacabka Degmada, ujeedkuna waa in bulshada loo dhaweeyo maamulka si qof walba deegaankiisa ugu dhisno IsxilQaan”.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray Bangiga Cusub ee Ammaano oo kamid ah bangiyada ku soo kordhay Muqdisho, isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in la maalgashado Caasimadda.