WAXAA II MUUQDA KACDOON SHACAB

Madaxweyne Farmaajo Dhaldhalaalkii Saakey ee Orodkii Muqdisho yaan laguugu qaldin

Hadii aan aqligu Shaqeyn oo isbedel Deg deg ah lala imaan waxaa ii Muuqda Kacdoon Shacab Xaqiiqdii Xaley dad baa Guriyahoodii Gaari waayeyey oo Seexdey Hotelo markii wadada laga xirtey

“Labo iyo Sadex Askari miyaa na celin jirey waxaa Dhowreynaa waxaan yarka ah yeysan naga Kala Daadan” sidaa waxaa yiri nin xaley Gurigiisii ka dhaxay oo Seexdey Hotel

waxaa xaqiiqo ah in Wadooyinka Xiritaankooda ay rag ka dambeeyaan si Shacabka iyo Dowlada la isaga horkeeno waxaa ogahay in warbixin been ah la idiin Keeno bal soo eega xaalka iyo Nolosha dadka Muqdisho ha ku sirmina Dhaldhalaalka beenta ah Maaratoonkii Saakey oo la doonayo in waxa Muqdisho ka taagan indhihiin looga jeediyo.

Amiin Yuusuf Khasaaro