Waxa uu isku dayay inuu Kufsado ~~~~~Bal arag maxaa dhacay??

Waxaa jiray Qoys caan ku ahaa edeb wanaagga Hooyada iyo Aabaha oo ahaa labo qof oo wanaagsan waxay si wanaagsan u edbi jireen Caruurtooda, Oo kakoobnaa 3-wiil iyo 1-Gabar.
Gabadha oo Caruurta ugu wayneed waxay ahayd 21 Sano jir.

Waxay Culuumta shareecada islaamka ka baran jirtay jaamacaddii ugu wanaagsanayd ee Wadanka kutaallay.
Balse ilaahey Amarkii waa ay geeriyootay Cudur maskaxda uga dhacay awgii, mana jirin wax kale oo Cudur ah oo ay kasheeganaysay.
Waalidka dhalay gabadha oo ahaa dad aad uwanaagsanaa Waa ay ku Qanceen kuna sabreen Qadarka Alle (S.W.).
Waxay Aaseen gabadhoodii Xilli Habeen ah.

Markii ay guriga usoo laabteen kadib Aabihii waxa uu dareemay Daal iyo Hurdo daran, Waa uu jiiftay, Balse isaga oo hurdaya ayuu kuriyooday Gabadhiisii oo leh “Aabbow icaawi, Aabbow icaawi”!.
Aabihii waa uu soo booday, Waxa uu isyiri waa Fal shaydaan waana uu ka Acuudu billaystay
Waxa uuna kullaabtay hurdadii, Mar labaad ayuu maqlay Codkii hore oo kale Cod ah oo gabadhiisii ayaa kaalmo waydiisanaysa!.

Aabihii Waxa uu dareemay Argagax waxa uuna Naftiisa kuyiri “Gabadhaadu waxay ahayd Gabar Wanaagsan oo alle kuxiran ee maxaa loo cadaabayaa😭””.
Waxa uu Go’aansaday inuu aado Qabrigii Gabadhiisa waxa uu kudul arkay Raad iyaga oo Saacad kahor katagay kadanbeeyay.

Waxa uu Go’aansaday inuu Baaro oo uu arko sida uu yahay Jirka gabadhiisa, Balse Gabadhii Qabrigii kuma jirto.

Waxaa sii siyaaday Argagaxa Aabihii wanaagsanaa ee dhalay Gabadha wanaagsan.
Waxa uu si Tartiib ah udareemay iftiin kasoo baxaya Daaqadda Guri qabriga udhawaa oo uu daganaa Nin Waardiye ah.
Markii uu tagay Gurigii oo uu ugalay Waxa uu arkay Ninkii oo gabadhii oo mayd ah ay Agtaal.

Baaritaan kadib waxaa la’ogaaday in Ninkaan waardiyaha ah uu Doonayay inuu Kufsado Gabadhaan Maydka ah.
Waxaa Mahad leh ilaahey Marna aan dayicin Adoonkiisa Muslimka ah Nolol iyo Geeriba😍.

Haddii aad dhammaysay soo qor “”ALLAAHU AKBAR””.

WQ: Qoyskaab

Mahadsanidiin.