Deg Deg: Gaari lagu dhajiyay Walxaha Qarax goor dhow ku qarxay isgoyska Dabka ee Muqdisho.

Qarax gaari ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka gaar ahaan wadada aada dhanka Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dad halkaasi ka dhawaa ayaa saxaafadda u sheegay in gaariga qarxay uu saarnaa qof shacab ah, waxaana La sheegay inuu dhaawac soo gaaray, waxaana loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Wax macluumaad ah laga hayo sababta gaarigaasi loogu xiray Miinaadaasi nooca Xanjada oo kale ah ee lagu dhajiyo gawaarida iyo cida sida rasmiga ah qaraxaasi loogu xiray gaarigaasi

Dhanka kale Ciidamada Booliska ayaa xiray isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano, sidoo kale ma jirto weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya.