Soomaali Musharaxiin ka ah Kanada

Gobolka Alberta ee ay ku nool yihiin Soomaalida labaad ee ugu badan dalka Kanada ayaa waxa ka socdo doorashada gobolka. Inta la ogyahay waxa doorashadaasi usharaxan dhowr Soomaali ah.

MagaaladaEdmonton ee caasimada u ah gobolkaas, islamarkaasna ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ayaa waxa ka tartamaya labo qof oo Soomaali ah. Cabdikariin Bakaal iyo shaadiya Xussen waxa ku tartamayaan magaca xisbiga Alberta Liberal.

Maxamed CabdiXassan ayaa qadka telefoonka kula xariirey, ugu horey Shaadiya Xuseen weydiiyey sababta ay xisbigan ku dooratay.