Sheekh Axmed Gabyoow iyo Duriyadda maanta!!!.

Sheekh Axmed Gabyow (1844 – 1933) , loona yaqiin Sh. Ahmed wacdiyoow, oo ku caan ahaa la dagaalankii isticmaarka , shiikhu waxa uu tiriyay gabaya badan oo saameeyn ku yeeshay gobala badan oo somaliya ah oo markaa la dagaalamayay gumeeysta yaal kala nooc ah, tixdaan gabayga ah ayaa ka mid aheed kuwii uu tiriyay markii Talyaanigu soo galay deegaanka Warsheekh (1891), gabaygaa oo dheera kuna saabsanaa jiilalka dambe ee somalida in aan isticmaar loo qarin ayuu ku yiri:

*Soomaali aan u dagaallamaynaa *Kuwa dulmaaya la dood galeyna.

*Kufriga soo dagay diida leenahay *Dabeysha mawdka intey i daandeyn.

*Hilibka duud cunin oonan deeb noqan *Dadka tusaan danihiisa leenahay.

* Duriyadaada Dab looma aasee *Kuwa dambaan u dariiq falaaya.

In English

*We are fighting for the Somalis *We fight against those who do evil deeds.

*Reject the colonial infidels; *Before the wind of death overwhelms you.

*Soon you will turn into ashes and worms will eat your flesh *Set an exemplary model for later generations.

Armaa Duriyada maanta iyo Kuwa berriba Dab loo Aasayaa ,(Qob moos aaba roone, armaa miina isticmaar loo aasayaa dhalinyarada Mustaqbalka)???.

Qore: Yahya Amir