Axmed Madoobe oo sheegay in shacabka ay haystaan dhibaatooyin Badan oo dhanka Nolasha ah.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatada xillagan haysata Shacabka soomaaliyeed, taasi oo ay ka mid tahay Maciishada iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa waxaa uu tilmaamay in muhiim tahay in siyaasiyiinta ay u taasulaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana aan kuraasta la isku qabsan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in xilligan laga shaqeeyo Horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya kadib markii mudooyinkii dambe uu wadahadal magaalada Muqdisho ugu socday Madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya, iyagoona ka wadahadlay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo maamulka Jubbaland, iyagoona xal arimahaasi ka gaaray.