Wafdigii Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Kheyre

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo todobaadkan howlo shaqo u joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa xalay ka qayb galay casho sharaf uu Ra’isul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre u sameeyey Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland.

Cashada waxaa wehliyey kormeer ay Madaxdu kusoo indha indheeyeen qaybaha kala duwan ee Xafiska Ra;iisul wasaaraha oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Wasiiru-dowladaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sharaxay casho sharafta loo sameeyey Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland iyo kormeerka, waxaana uu sheegay in ay ka qeyb ka tahay booqashadda uu Muqdisho ku jooggo Madaxweynaha Jubbaland.