DULMI DIIDOOW, DULMI DOONAAN ARAGNAY!!!

Senator Muuse Suufi Yalaxow ayaa la weerari rabaa, ciidamo ka yimid G/Sh/Dhexe ayaa u yimid Xaaji Muuse, waqtigii loo qabtay in looga guuro deegaanka Mariino waa dhamaaday, Madaxweynaha ayaa soo fara galiyay is faham-waaga ka dhashay Wareegtadii Duqa Muqdisho iyo hadalo kale oo is khilaafsan ayaa maalmahaan qabsaday baraha ay bulshada ku wada xiriirto {Social Media-ha}.

Taageerayaasha Muuse Suudi ayaa inta badan Barahooda soo dhigayay hadalo dhiilo xambaarsan, dhinaca kale dad u muuqda inaaney jecleyn Senatorka ayaa iyaguna Bartooda laga daalacanayay hadalo u badan naceyb ay u qabaan Xaaji Muuse, ma jirto cid caddeyn karta sida uu u dhigan yahay xaalka dhabta ah ee jira, lama saadalin karo halka uu xaalkaasi ku dhamaan doono!

Gacmo geel-Jirre hoos ayaa loo dhaqaa, haddii uu jiryo khilaaf ka dhashay guurida deegaanka Mariino waxaa haboon in arintaasi laga wada hadlo oo hoos loo dhaqo, dadka ku dhaqan Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdul Casiis wey daalan yihiin ee ha loo turo, maanta carradu {dhulku} waa nabad ee berri yaan dhib la horseedin, caqligu ha talsho, annaa Amiir ah meel hala iska dhigo, Dawladnimaa dadka deeqdo ee wax walba nabad halagu dhameeyo.

WD:Shiikhaalow