Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Dagaalyahankii Labaad ee Fuliyay Weerarkii W/ Shaqada

Xarakadda Al-shabaab ayaa shaacisay magaca dagaalyahankii labaad ee fuliyay weerarkii qaraxa ku biloday ee lagu qaaday Dhismaha wazaarada shaqada iyo Arrimaha bulshada Magaaladda Muqdisho.

Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, Cabdullaahi Dacwo ama Bilaal wuxuu kamid ahaa dagaalyahanadii fuliyay weerarkii lagu qaaday dhismaha wazaarada.
Bilaal waa 29 sano jir ah kasoo jeeda dhulka N.F.D oo ay maamusho dowladda Kenya wuxuuna ka dhashay Beesha Ogaadeen gaar ahaan Jufada reer Cabdalla.
Wareysi uu siiyay warbaahinta Al-shabaab ayuu ku sheegay in Shabaab uu sanado ka tirsanaa,islamarkaana weerarka uu u fuliyay sidii loo dhabar jabin lahaa cadowga.
Sidoo kale Bilaal ayaa ugu baaqay bulshadda Woqooyi bari Kenya in ay kusoo biiraan Shabaab,islamarkaana ay u midoobaan sidii dhulka NFD looga saari lahaa Kenya