Waxaa cad in aan wax badan laga qaban karin haddii aan la helin Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad cusub

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu u muuqdaa shaqsi guri lagu dhex-hayo isla markaana dalkii uu Madaxweynaha ka ahaa dad yar oo koox ah hogaanka u hayaan.

Kooxdan yar ee uu hor boodayo Raysal wasaare khayre waxay leeyihiin amniga Madaxweynaha ayaa khatar ku jira waq tigan magaalada muqdisho Qarax yadu ku bateen

. Su’aashu waxa ay tahay maxaa keenay in amniga Xassan Kheyre uusan khatar ku jirin halka kan madaxweynaha uu ku jiro?

Dowladnimadu waa nidaam iyo go’aammo ku saleysan sharciga, xeerarka iyo dhaqanka soo jireenka ah kana reebban isbarbaryaac iyo isqabqabsi.

Isbarbaryaaca iyo isqabqabsigu waa astaamaha ugu horeeya ee lagu garto dowlad xumida iyo fashilka dowlad

marxalada xaalada siyaasadeed ee Dawlada Faderaalka soomaaliya Madaxdeeda ugu saraysa Waqtigan ku sugan yihiin ayaa ah
inay wixii lagu heshiiyey bur buriyaan. Goloyaashii sharcidajinta iska horkeenaan.

Magaalladda Muqdisho oo hoy u ah ku-dhawaad 3 million oo qof waxay dadku dharaar kasta ku waaberistaan dhacdooyin moral-jab leh,

waxayna dadku isweydiiyaan waxa Muqdisho oo keliya ka dhigay magaalladda ugu jahwareerka iyo xanibaadda badan ee dalkeena
Soomaaliya. Intii xukumada Raysal wasaare khayre xilka loo magacaabay. Waxaa ka dhacay Qaraxyo Taariikhda caalamka lagu daray. Sidii 14.10.2019.

Waxaan Falanqeyn tayda yar ku soo gabo gabeynayaa labo sano ayaa ka khasaartey Hogaanka Madaxweyne Farmaajo waqti yar ayaa u haray. Inuu doorasho ku qabto.

waa in la helaa degenaasho siyaasadeed xalna loo helaaa Arrimahan isbiirsaday ee amnixumada iyo khilaafka siyaasadeed ee joogtada noqday Hadii aan Dhaqso wax looga qaban waxay horseedi karaan buruburka Xukuumadda iyo dowladnimada Soomaaliya.
Ku yimaada.

Waxaa cad in aan wax badan laga qaban karin haddii aan la helin Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad cusub. Waa in Madaxweyne Farmaajo Qaataa Go,aan Geesinimo leh oo dalka lagu bada baadiyo.

Danjire Mahamed Caalim
caalim68@hotmail.com