Mareykanka Oo Xayiray Diyaaradihii Dagaalka F35 Ee Turkiga Laga Iibin Lahaa

Saraakiisha Maraykanka oo la hadlay dhigooda dalka Turkiga waxay ku wargeliyeen inaan Shixnado kale oo dheeraad ah oo Diyaaradaha F35 loo soo diri doonin Turkiga.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, marki ay Dowladda Turkiga ku adkeysatay inaysan ka laaban doonin Gantaalladda S400 ee ay Raashiya ka iibsanayaan.
Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan waxa uu si cad ugu gacan sayray shuruudaha ay Maraykanka ku xireen in laga iibiyo Diyaaradaha Dagaalka ee F35, kuwaasi oo uusan Raadaarku qaban karin.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Kafasoglu ayaa la filayaa inuu Madaxda Maraykanka kala hadlo arrintaasi, kadib, marka uu isbuucan booqasho ku tago magaalladda Washington, oo uu ka furmi doono Shirweynaha Wasiiradda Difaaca ee Dowladaha xubnaha ka ah Isbahaysiga Milliteri ee NATO.