Madaxdii Ahlusuna oo Lagu Eedeeyay Hurinta Khilafka Madaxda Galmudug

Waxgaradka Maamulka Galmudug ayaa eedeen culus u jeediyay Madaxdii Maamulkii Ahlusuna Waljameeca ee dhawaan ku biiray Galmudug.

Nabadoon Shire Warsame oo kamid ah Waxgaradka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hogaankii Ahlusuna aysan raali ka aheyn xal waara oo laga gaaro khilaafka Madaxda Maamulka Galmudug .
Waxa uu sheegay in Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan oo haatan ah Madaxa Xukuumadda Galmudug Ahlusuna ka Tirsanaa uu yahay shaqsiga kasoo horjeedo in la xaliyo Khilaafka Madaxda Galmudug.