Cudur Cusub ayaan isku arkay Subaxaan. !!!

Subaxaan Dambi ayaan galay, ficil aanan Ka fekerin ayaan Ku dhaqaaqay, wadada ayaan Ku arkay, wiil yar oo 10 jir ah oo Hooyadii Ka ordayo, caaynayana.

Aniga oo aan is ogeeyn ayaan gaaday oon Soo qabtay, waxaan u keenay Hooyadii, aniga oo canaan iyo waano isagu darayo.

Waxa ey tiri: Adeer, waad mahadsantahay, gacanta haka maroojin ee tartiib.( Maba ogeyn)

Kadib waxaan is weydiiyay maxaa kugu kalifay falkaa aan laguu dirsan, in aad Ku dhaqaaqdo Adiga oo aan Ka fekerin. Waxaan Soo xasuustay:

1- in Xanuunka Fooshu uu u dhigmo 42 lafood oo qafka laga jabiyo. ( F.S: 1aad)

2-waxaana Xanuunka Labaad ee Ku xiga Qof nolosha lagu gubay.(F S: 2aad)

Haddana waxaa, ii muuqda iyada oo is naxariisa igu leh : gacanta haka maroojin.

Kaasi Saqiir ayuu ahaa ee meeqaa, iyaga oo qaan gaar ah Ka oroday?, orodku fagax kaliya ma ahan.

Haddii Adiga oo Ka ordayo aan Ku arko, xatta haddii aad iga xoog badan tahay, Ogoow in ogaalku iga tagayo. Cudurkaas ayaan maanta isku arkay.

Waxaan kaa codsanaa, u Soo orod ee haka ordin, Hooyadey aniga oo Saqiira ayey iga dhimatay, marka Hooyadaa ayaa noo hartay, anigana waa ii Hooyo, iyada ayaa Naga dhexeeyso ee baari u noqon, waxaan ALLA uga baryayaa in Hoyaddii iga dhimatay iyo Hooyadaa oo Naga dhexaeeyso in ALLA dambigooda dhaafo, annagana kuwii dartood Ku jano galo ALLA Naga dhigo.

Hooyo la xumeeynaa haddii aan arko, waa marka kaliya oo fal ogaal la’aan ah aan sameeyo. Iska keey jir.

Anigana cudurkaa ALLA ha iga bogsiiyo, imana tusiyo qof caasi Ku ah Hooyadii.

Qore: Yahya Amir