Ciidamada Ammaanka oo xayiray Gaari Hilib u wada Kawaanka Xamarweyne

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saakay Isgoyska Sanca ee Magalada Muqdisho waxa ay ku xayireen Gaari nooca soomaalida u taqaano Caasi ama HOMEY, kaas oo Hilib ka keenay Kawaan Bari degmada Kaaraan ee Xoolaha lagu qalo kuna wajahnaa Kawaanka Hilibka degmada Xamarweyne.

Ganacsatada leh Hilibka ayaa waxaa ay sheegeen in uu wado Gaariga in ka badan 9 neef oo Geel ah,isla markaana subax kasta ay geeyaan Kawaanka degmada Xamarweyne, hayeeshee saakay lagu xayiray Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan.