DFS oo ku dhawaaqday Dowlado kale oo Aqoonsanaya Baasaboorka Somalia

Shalay laba ka mid ah dowlaaha Yurub ayaa waxaa ay aqoonsadeen baasaboorka Soomaaliya iyad aoo la rajaeynayo in dowlado kale ay aqoonsadaan,waxaana faah faahin ka bixisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in ay la fariisteen dowado badan,isla markaana ay tuseen inay waajib tahay inay aqoonsadaan baasaboorka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay warbixin ka weeydiiyeen sida loo sameeyo baasaboorka Soomaaliya iyo warbixin ay horay u soo saartay dowladda Norway oo ku saabsanaa Baasaboorka Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay sugayaan in Baasaboorka Soomaaliya Aqoonsadaan Dowladaha Holand iyo Sweden iyo Biljamka.

Dalal badan oo reer galbeed ah sida France, Italy iyo Norway ayaa horay u bilaabay inay fiisooyin ku bixiyaan baasaboorka Soomaaliga