Siciid Deni oo durba kasoo horjeestay Farmaajo

Farmaajo waxaa hortaala caqabad cusub, wuxuuna hada bilaabay inuu ka fakaro sida uu ku heli karo codadka xildhibaanada laga soo dooran doono maamulka Puntland, doorashada 2020.

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa durba lasoo baxay shaatigiisa dhabta ah markii uu fashiliyay qorshe uu Farmaajo doonayay inuu Xamar isugu keeno madaxda maamul goboleedyada. Siciid Deni ayaa ku yiri Farmaajo adigu imaaw Garoowe.

Farmaajo wuxuu dhibaato ku qabay madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Gaas, laakiin wali waxba isma badalin marka laga hadlaayo xaga maamulka balse waxaa is badalay shaqsiyaadkii (Deni oo badalay Gaas).

Sidoo kale madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa diiday inuu yimaado Muqdisho oo uu ka qeyb galo shirka uu Farmaajo ku baaqay ,kaas oo doonayay inuu beesha Caalamka ka iibiyo iney heshiiyeen isaga iyo madaxda maamulada Soomaaliya.

Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa hada shalaay ka tagan sababtii ay u diideen iney taageeraan Siciid Cabdulaahi Deni xiligii uu ku jiray ololaha doorashada. markaas oo uu Deni garab u baahna.

Farmaajo ayaa dhowaan la kulmay xildhibaanada Majeerteen ee ku jira Dowlada dhexe waxaana uu ka codsaday in Deni ay la hadlaan oo uu joojiyo dhibaatada uu usoo horkacaayo.

Dowlada Federaalka ah ayaa dhanka kale wali wax heshiis ah aan la gaarin madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, kaas oo mudo asbuuc ah ku sugan Muqdisho. Waxaa jira warar sheegaya in Farmaajo uu ka shakisan yahay in Kheyre iyo Fahad ay xili hore heshiis gaar ah lasoo gaareen Axmed Madoobe.

Si walbaba, madaxweyne Farmaajo waxaa uu wajahaya labo sanno oo kale oo uu dhibaato ka maraayo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.