Magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha

Al Shabaab ayaa faafisay magaca ninkii dhowaan isku qarxiyay xarunta wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlada Soomaaliya, sidoo kale waxey faafiyeen qabiilka uu ka dhashay.

Kooxda ayaa caadi ahaan sii deysa wareysiyo laga qaaday dhalinyarada si qarxisa markii ay dhintaan, waxaan wareysiyadaasi u muuqdaan kuwo iidheh loogu sameynaayo Qaraxyada.

Wiil 17 jir ah ayuu ahaa ninkii isku qarxiyay wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada, halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux oo uu ku jiray wasiirkii kuxigeenkii wasaarada.

Ninka goobtaas isku qarxiyay waxaa la oran jiray Jimcaale Yare, waxaase gudaha Al Shabaab looga yaqaanaa Abuu Sufyaan, waxaa uu kasoo jeeday beesha Ogaadeen oo ka mid ah beelaha sida weyn ugu biiray Al Shabaabka Jubooyinka.

Ninkaan oo ku dhashay deegaanka Salagle ayaa jufadiisa hoose lagu sheegay Geeddi Cali. Al Shabaab waxey sheegeen inuu isku qarxiyay albaabka wasaarada oo uu laayay ilaaladii xarunta ka hor inta aaney kooxda hubeysan gudaha u galin wasaarada.

Marka la eego da’adiisa oo 17 jir aheyd, waxaa muuqata inuu ahaa nin dhalinyaro ah oo si qaldan wax loogu sheegay lagana faa’iideystay.

Kooxdu waxey sheegtay iney faafin doonto magacyada, qabiilada iyo wareysiyo ay ka qaaday kooxdii hubeysneyd ee ka dagaalanta gudaha wasaarada.