Cali Dheere oo ka hadlay sababta Al Shabaab u weerto Hoteelada iyo mushaar la’aanta ciidanka Dowlada

Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa iska fogeeyay inuu Hoteelo ugu yeero goobaha ay Al Shabaab weeraraan ee ku yaala Muqdisho. Kooxdooda ayaa dhowr jeer qarxiyay hoteelo ay dad ganacsato ah lee yihiin balse Cali Dheere wuxuu sheegay in aaney Hoteelo aheyn balse magaca uun sidaa loo qoray.

Wuxuu sheegay in Al Shabaab aaney beegsan Hoteelada ay shacabku dagan yihiin, balse goobaha ay weeraran ay yihiin xarumo Dowladeed oo magac Hotel lagu qoray .

“Hotelo ma’ahan ee waa xarumo ay joogaan shaqalaha iyo madaxda Dowlada, magaca uun ayey Hotel ka yihiin. Hadii ay Hoteelo yihiin maxaa Amisom keenay, maxaa intaas oo ilaalo ah loogu sameeyay. Bal fiiri Hotelada shacabka wax juhdi ah lama galin mana jiraan ciidamo ku wareegsan, kuwaas maxey mujaahidiintu u beegsan waayeen ayuu yiri Cali Dheere.

“Wasaarado iyo xarumo ma heystaan sidaa darteed waxey dagan yihiin goobo magac Hotel loo bixiyay ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay isagoo wareysi dheer siiyay warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha mushaar la’aanta ciidanka Dowladda ,kuwaas oo kasoo baxay furumihii dagaalka. Wuxuu sheegay in dadka qurba joogta ah ee loo dhiibay xukunka dalka in ay hanti boob xoogan wadaan.

“Dadkaan dhamaantood dibbada ayey ka yimaadeen, waxey heystaan baasabooro shisheeye, waxey aaminsan yihiin 4sano umbaad joogi doontaane wax fiican aruursada oo Bankiyo lacag ka buuxsada kadibna u laabta dalalkiinii idinkoo lacag fiican heysta. Midkii xafiis yar loo dhiibo xita wuxuu dhacaya lacagtii shacabka ayuu yiri Cali Dheere.

Dad badan ayaa aaminsan in hadalka Cali Dheere uu yahay mid jira balse waxaa wax walba ka daran dhibaatada ay kooxdiisu ku heyso shacabka, taas oo darsin darsin u xasuuqda maalin walba.