Daawo: Bandhiga Buuga Maana Faay oo lagu soo bandhigay Gothenburg Sweden

Daawo Bandhiga Buuga Qeybtii 1aad

Barnaamij

Bandhiga Buugii Maana Faay oo lagu qabanaayo Gothenburg Sweden

Posted by Somaliwayn Radio & TV on Saturday, March 30, 2019

Qeybtii 2aad

Barnaamij

Bandhiga Buugii Maana Faay oo lagu qabanaayo Gothenburg Sweden

Posted by Somaliwayn Radio & TV on Saturday, March 30, 2019

Halkaan Waa Maqaal laga ku saabsan buuga Maana Faay waxaa qoray Hussein Wadaad

Waa Buug Sheeko-faneed Casriya, soona if-baxday xilli baahi loo qabay. Waxeey aheyd tii nooceeda ugu horreysay Deegaannadeeda, waxeeyna noqotay coraddii sheeko qoraaleedka casriga ah ee Soomaalida, waxaa ka farcamay oo waddadeedii qaaday kuwa badan oo iyana galay taariikhda Sheeka qorista Soomaaliga.

Sheekada ama Qisada MAANA-FAAY, ma-aheyn uun waddada ay jeexday ee sheeka qoristeenna balse waxeey farta ku fiiqday wax badan oo aan horteeda laga hadal lana tilmaamin.

Qorayaasha kala culus kalana heli og cinwaannada ay wax ka qorayaan, kuna kala geddisan hababka iyo wadiiqooyinka ay u maraayaan wax gudbinta, Wax qorista Afraxse tiisu waa mid gooniya.

Dr. M.D.Afrax, oo ah qoraha Qisada MAANA-FAAY, Waa Halyeey Jebiyay albaab xirnaa oo in badan oo qalinleey ahi ka baqayeen in ay ku dhiirradaan, kuwaasoo ku quus-qaatay  ”Ishii ow Weeroow ka laa-laaday”. Kuwaasoo kolkeey wax qorayaan Shuka huwinayay waxa ay gudbinayaan, Maana-Faayse  wixii lala ganbanayay  ayay Daahir Yaa Shams ka dhigtay.

Adduunyadu, waxeey isku  raacday 1948dii Baaqii Jamciyadda Quruumaha ee ahaa Xuquunal Insaanka,  kaasoo u ogolaanayay in qof kastaa xur u yahay cabbirka aragtidiisa ”Qowllan wa Kitaaban” Hadal iyo  Qoraalba, Balse waxa nasiib-darraa in illaa maantadaan aan waddamo badan laga ogoleyn xurriyadda cabirka Aragtida.

 Xilligii MAANA-FAAY soo if baxdayna waxaa reebanaa fikir kasta oo ka hor imaanayay aragtidii  XHKS ama aan aheyn wax isaga lagu buun-buuniyo Waxqabadkii  Kacaankii. Uma-jeedo, umana socdo in aan waayihii Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan ka faaloodo waxna ka sheego, balse waxaa uun aan  rabaa in aan ifiyo Xaaladda sida ay aheyd soo if-bixiddii Qisada Maana, iyo qoraaggu dhiirranaanta  uu muujiyay  xilligaas.

Qisada MAANA-FAAY, maxeey ka hadleeysaa oo ay ugu noqotay taajka Qisooyinka qoran ee Soomaalida? Qisadaan, waa qiso ay ka dhex buuxaan qisooyin kala socda haddana wada socda oo soo wada jiidaneyso dadyoow  kala geddisan ”kala cumri, kala aqoon, kala garasho,  kala mansab ah”,  taasoo mid walbaahi ka helaayay  wax gaar ah oo uu isagu xiiseynayo, waana tii keentay in maalmaha ay Xiddigta Oktoober ku soo baxeysay suuqa laga waayi  jiray Wargeyska oo dhan. Aniga,  waxaan og-ahay dad ku waayay shaqadoodi  dawladeed aqrinta iyo  xiiseynta Qisada MAANA-FAAY.

Qisadaan MAANA-FAAY, Waxeey ka hadlee  dhaqan jiray oo u baahnaa in laga guuro, si asluubeysan oo degen ayayna bulshada ugu baraarujineysay, Waa dhaqankii ”Ma-qabbiyannimada”, dhaqankaasoo ku lunsanaa Xuquuqdii Gabdhaha, kaasoo keenayay in Gabadha kolka Naaskeedu soo kobco Mininka lagu oodayay loona diidayay in ay waxbarato ama iridda Mininkooda dhaafto. Waxuu ahaa dhaqan adag xilliga Sheekadu curatay. Si gaara Dhaqankaas aad ayay u ifisay Qisadaan.

Dhinac, waxeey ka iffisay Jaceyl iyo kalgacal qoto dheer oo sheekadu ku dhameysay farax iyo yiddidiilo mug leh oo u soo muuqatay Lammaane is jeclaaday dhib iyo rafaad badanna isu  maray, Waxeey muujisay culeyska Jaceyka iyo waayahiisa iyo Xikmaddii  aheyd  ”Waxaan  loo dhibtoon lama dheefsado. Dadka dhinac waxeey sheekada kala socdeen Jaceylka  Mugga leh ee dhex maraayay Axmed Jaamac iyo Maana-Faay.

Ka rogoo, haddana laba saare dadka qayb kale waxeey kala socdeen Naqdin iyo iftiimin ballaaran oo qoraagu Toosh Lix qaada uga daba-qaatay Kuwa magaca kursiga Dawladeed  ku dhaca Hantida Ummadda, waxuuna iffiyay qaabka iyo falalka foosha xun ay ku kacayeen qaybo  ka mida madaxda  Bulshada, kuwaasoo lahaa  Garbo ka daafaca wax ka qabadka waxaay sameynayeen, si isku kalsooni ku jirtana u fala xumaantaay doonaan. Kuwa noocaasa waxaa tusaale noogu  filanTusmada iyo tilmaanta ay qisada ka bixineyso Maareeye Jaamac Dhegeey oo ah Eng. Axmed Jaamac Aabowgiis.

80kii Kolkaan aqrin jiray Qisada MAANO, waxaan is dhihi jiray goormaa lala boodi doonaa Saaxiibkaa Afrax, Weliba marka uu farta ku godayo Jaamac iyo nuuciisa. Hadda Jaamac, ma-ahan ruux jira waxuuse u taagnaa dad ku kaca ficilladaas qisadu ku tilmaameyso, waana tan sheekadu gaba-gabada soo roojiheyso CEEB iyo LAMA ARAG.

Doc kaleeto haddana igala arage, Qisada Waxeey farta ku fiiqday Dhaqan bulshada ku soo badanay oo ku saabsanaa Qayil, Tumasho, Kufsi  Boob iyo wax kaloo badan. Waxaad eegtaa Kaalinta ay ku leedahay Qisada BAYDDAN-Shabeel,  Waxaad arkee Fataalnimada iyo sida gabdhaha yar-yar ee reerahoodu Iskuulka  ama suuqa u dirsadaan sida loo shirqoolo looguna gacan geliyo Odayo Tuugaa oo ma xishoodayaal ah oo u taffaxeytay kuna shooba Xummaanta, kuwaasoo sheekadu tilmaameyso masiirka u dambeeyo, ugana dhigeyso digniin kuwa kaloo badan oo ku soo jiro jidkaas Fisqiga iyo xumaanta ah.

Qisada MAANA-FAAY, Waxeey  ku baree  wax badan oo aad u baahan tahay, Waa hubanti kolkaad kala furto inuu baalba kan xiga kuu dhiibayo illamaa aatiraa Goormeey dhammaatay, oo aad dib ugu noqoshadeeda biloowdo, Silsillad xiran oo gunudiba tan xigta si xeeladeysan kuugu sinto adigoon dameemin.

Waxaan leeyahay Hambalyo Walaalkeey/Saaxiibkeey Afrax iyo Maxamed Cartan (LOOHPRESS) oo si qurxoon u soo daabacay Daabacaaddaan 4aad ee MAANA-FAAY.

Aqoonyahan/Qoraa

Xuseen Maxamed Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com