Maxaa looga hadlaya Kulanka Golaha Shacabka Maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta yeelanaya kulankii ugu horreeyay ee kalfadhiga 5-aad, ka dib markii dhawaan si rasmi ah loo daahfuray Kalfadhiga Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin badan oo ay qeyb ka yihiin dardargalinta Shuruucda doorashooyinka iyo la xisaabtanka Xukuumadda.
Sidda ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah Golaha Shacabka kulanka ayaa waxaa warbixin loogu dhageysan doonaa guddiga dib u eegista dastuurka.