Dhibaato ka taagan degaanadii ay ka baxeen Ciidanka Kenya

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidanka Kenya degaamadii ay kabaxeen Ciidanka in Al-Shabaab ay ku hayaan dhibaato ka dib markii ay la wareegeen.
Madaxa Amniga gobolka Gedo Bile Hufuud Ibraahim ayaa u sheegay Risaala in Al-Shabaab degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Gedo ay kusoo rogeen lacago Xad dhaaf.

Waxaa uu sheegay in meelaha ugu badan dhibaatadda ay ka taagan yihiin in ay ka mid yihiin degaanka Buusaar iyo degaano kale oo markii Ciidanka Kenya ay baxeen ay qabsadeen Al-Shabaab.

Waxaa uu xusay in Ciidanka Jubbaland ay qaadi doonaan tilaabooyin ay uga hortagayaan dhibaatadda lagu haayo shacabka.