Qalqalka amni ee Mogadishu ka jira nuxurkiisa Waa kan:

Garaadde na Gabay!

Warar lagu kalsoonyahay ayaa caddaynaya sababta ugu weyn ee keentay qalqalka amniga ee hadda ka jiro Muqdisho. Nuxurku waa sidan:

1. Dhawaan waxa isbadal weyn lagu sammeeyay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA). Taasi waxa ay keentay in shaqada nabad-sugida lagu soo koobo:

A. Xuuraanka iyo xog aruurinta

B. Ilaalada goobaha muhiimka ah ee dowladda.

2. Waxaa hawl-gallada amniga, qabashada danbiilayaasha iyo fashilinta qaraxyada loo xilsaaray ciidanka boliiska oo awalba ay shaqadiisu ahayd.

3. Ciidamadii hore ee NISA oo loo badalay Booliis iyo 3000 oo cusub oo dhawaan la tababaray waxaa gacanta loo geliyay taliska booliska Muqdisho.

4. NISA waxay si joogta ah boliiska ugu gudbisaa xogta dhaqdhaqaaqa Shabaab iyo qorshooyinka qaraxyada si uu boliisku uga hawl galo, waxana loo diraa;

A. Tirada gawaarida qaraxa sidda, noocyadooda, taargooyinkooda iyo bar-tilmaameedyada loo qorsheeyay.

B. Waxa Booliiska loo gudbiyaa qayladhaan amni nooca ugu sarreysa iyo talooyin ku aadan sida ugu haboon ee ay uga hortagi karaan qatarta ay NISA ogaatay.

5. Sidoo kale waxaa xog la siiyaa talisyada milatariga ee ku sugan aagaga bannaanka ah ee ay qaraxyadu ka soo baxayaan iyo waddooyinka ay soo marayaan.

6. Hase ahaatee, ayaan darro, taliska boliiska Muqdiaho ayaa gabay kaalintii looga fadhiyay oo ka baaqsaday ka hor-taga qaraxyada.

7. Taliska boliiska ayaa si ula kac ah uga seexday doorkii uga aadanaa amaanka caasimada .

8. Sababta waxa lagu sheegay in waayadaan danbe laga yareeyay lacago badan oo lagu takrifali jiray, sababa la xariira horumatinta hufnaanta dhaqaalaha ee ay dowladdu waayadan ka shaqaynaysay.

9. Sidoo kale, waxaa qaraxyada waddooyinka u furay talisyo ka mid ah ciidamada milatariga ee ku sugan daafaha Xamar iyo labada Shabeelle, sababa lagu macneeyay saraakiil ka cadhaysan lacago ay magaca ciidanka ku dhici jireen oo dhawaan laga jaray.

10. Waxa jira qaar ka mid ah madaxda sare ee dalka oo si gaar ah u naas-nuujinaya ragga dayacay amniga Muqdisho, taas oo keentay su’aalo waaweyn!

11. Taliska sare ee boliiska Soomaaliya waxaa laga dhigay hawl-gab waxana shaqadiisi lagu wareejiyay saraakiil yar yar oo aad u khibrad yar oo qaarkood dhawaan lagu wareejiyay amniga degmooyinka Muqdiaho.

12. Markii uu billowday gadoodka ciidanka, waxa fursad u arkay oo dabka baasiin kusii shubay siyaasiin caan ah oo lacago badan u diray saraakiil joogta jiidda hore iyo kuwa jooga gudaha Xamar, waxayna ku dardar galiyeen in ay toos Xamar u galaan kana baxaan jiida hore ee difaaca.

Mid ka mid ah caasimada dalalka dariska nala ah waxa laga soo diray lacago badan oo loo diray saraakiil ciidan.

13. Waxa jira sababa kale oo ka imaanaya dhinaca hay’ado iyo shirkado Soomaali ah iyo waliba dhinaca dowlado shisheeye.

Mar kale ayaan falanqayn doonaa, insha Allah.

Marka lasoo koobo, sababta ugu weyn ee fursadaha maalinlaha ah siisay qaraxyada Alshabaab waxa weeya:

A. Wada shaqeynti saddexda ciidan ee NISA, boliiska iyo milatariga oo meesha ka baxday

B. Saraakiil amniga loo igmaday oo iyaguna Shabaab usii igmaday!

Gabagabadii, Hoggaanka sare ee dalka ayay saarantahay masuuliyadda kama danbaysta ah ee amaanka dalka, waxuna shacabku ku sugayaa tillaabooyin rasmi ah oo waxtar leh.

Soomaaliya Allaha Samata bixiyo!

By Cali Yaasiin Gurbe