Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab khasaare xooggan gaarsiiyay Dagaal ka dhacay Bakool.

Waajid:-Wararka naga soo gaaraya degmada Waajid ee Gobalka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka ay weerar ku qaadeen maanta fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Shacabka ku dhaqan Waajid ayaa saxaafadda u sheegay in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay weerarkii lagu qaaday Al-Shabaab.

Saraakiisha Gobalka Bakool ayaa iyana cadeeyay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen duleedka degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

Dhanka kale Dagaalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab weeraro iyo qaraxyo ay ka geysanayeen malmihii la soo dhaafay deegaano ka mid ah Gobalka Banaadir.