Taliska AMISOM oo Beeniyay in Ciidamadooda ka baxeen Soomaaliya

Howlgalka Amisom ayaa sheegay inuu joogteynayo taageerada uu siinayo dowladda Somalia si ay kaga adkaato Al Shabaab islamarkaana shacabka Somaliyeed looga badbaadiyo dhimasha kasoo gaarto weerarada qaraxyada u badan ee Al Shabaab.

“Ciidamada AMISOM kama baxayaan saldhigyadooda, laakiin waaxyaha ayaa si istiraatiji ah u la jaanqaadayaan ciidamadooda si ay u ilaaliyaan dadka Soomaaliyeed, ayna u dhibaateeyaan al-Shabaab, iyagoo u diidayo xorriyad ay dhaqadhaqaaq ku sameyso” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay Amisom.

Qoraalkan ayaa kusoo aadayo iyadoo ciidamada difaaca Kenya ee xubinta ka ah Amisom ay isaga baxeen saldhigyo ay ku lahaayey qeybo kamid ah gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ciidamada difaaca Kenya ayaa dhawaan bilaabay ka bixitaankooda deegaanka Busar oo ay Al Shabab kala wareegeen 100-kii Maalmood ee ugu horeysay howlgalkooda Somalia waxa ayna u aheed saldhig weyn.

Marka laga soo tago Busar ciidamada difaaca Kenya ee qeybta ah howlgalka Amisom waxa ay isaga baxeen deegaano iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Gedo sida- Bardere, El-Adde iyo Faxfax-dhuun, balse Amisom waxa ay talaabadaas ku tilmaamtay xeelad Military.