Nin horay loo dhaawacay oo toogasho lagu dilay

PDilka Ninkas ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada suuq Boocle ee degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ahaa Ganacsade,isla markaana dadkii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cusmaaciil Xasan Sheekh,waxaana uu ahaa Nin ka Ganacsada Khudaarta Mooska,waxaana xilliga la dilayay uu ku jiray Arruurinta Moos loo keenay.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhufteen xilli uu ku sugnaa Goobtiisa Ganacsiga,isla markaana dilkiisa kadib ay goobta ka baxsadeen.

Duniyo Maxamed Axmed oo ka mid ah Ehelkada Ganacsadaha la dilay ayaa sheegtay in hadda ka hor dhaawac loo geystay, hayeeshee dadkii ka dambeeyey la ogaaday lagana xaaltamay.

Waxaa ay sheegtay in dilkiisa loo aaneynayo aanooyin qabiil,isla markaana uu ahaa Nin nolol maalmeedka u raadiyo 7 Carruur ah oo uu dhalay iyo Hooyadood,hayeeshee sibareer ah loo dilay.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa maalin walba ka dhaca dilal qorsheysan loo geysto askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo dad Shacab ah,waxaana dilalkaas inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.