Maqaal: Farmaajo Waa inuu kala doortaa Khayre ama Gumaadka Reer Mogadishu

MW Farmajo waa inoo kala doortaa in uu RW Khayre sii joogo iyo in uu sii socdo Gumaadka arxandarrada lagu haayo Shacabka Soomaaliyeed ee Caasimadda Muqdisho ku nool.

Xaaladda amniga Caasimadda Muqdisho ayaa gebi ahaan laga dayriyay, ilaa iyo haddana Dowladda waxaa ka muuqda isku dhex yaac, oo meel ay wax ka qabato ama ka bilaawdo ayee garan la’dahay,”Jahadii ayaa ka lunsan”.
Shalay ayee eheed goortuu RW Khayre codsaday kulan deg deg ah in uu layeesho Beesha Caalamka, codsigiisuna ahaa in garab lagu siiyo amnidarrada ka jirto Caasimadda, taas oo siyaasad ahaan la micna tahay in Xukuumadda ay dhinac walbo ku fashilantay qaasatan Amniga Caasimadda iskaba daa midda Qaranka oo idil.
Waxaan ku celinaynaa dhowr jeerna u soo jeediyay MW MCFarmafo in uu ka codsado RW Khayre in uu is casilo.
Shacabka Soomaaliyeed uma sii dulqaadan karaan lamana aqbali karo gumaadkaan aan Xukuumada waxba ka qaban karin.

Maanta waxaa la taaganyahay soodin uu MW Farmajo ku kala dooran laha in RW Khayre uu sii joogo iyo in uu gumaadka Shacabka Soomaaliyeed ee arxan darrada sii socdo.

Dott.Abuukar Nuur Xuseyn
Gudoomiyaha
Xisbiga Dimuqraadiga BDem.