Farxaddii Kismaanyo iyo Murugadii ka Dambaysay!!!

Waa leysku dhagan yahay, qoddobo culus ayaa la isku haystaa, qaabka ay u dhacayso doorashada Jubbaland ayaa la isku mari la’ yahay, kooxda Axmed Madoobe ayaa ku doodaysa in doorashadda Kismaanyo loo Madax banneeyo, rabitaankaas waxaa ka biyo diidsan Dawladda Federaalka oo gaashaanka ku dhufatay inay kor joogto oo kaliya ay ku ekaato balse doonaysa inay kaalin muuqata ku lahaa doorashdaas.

Dhawr maalmood ayaa ka soo wareegtay imaatinkii Madaxweynaha Jubbaland ee magaalada Muqdisho, laga soo bilaabo maalintii uu yimid ilaa maanta wadahadalo aan loo kala kicin ayaa socda hase yeeshee waa la isku af-garan la’ yahay, inkasta oo qoddobada qaarkood laga heshiiyay ayaa haddana waxaa la isku fahmi la’yahay :-

-Kaalinta ay Dowladda Federaalka ku yeelan doonto Doorashada Jubbaland iyo -Sidii Musharaxiinta Dawladdu taageereyso ay ula tagi lahaayeen magaalada Kismaanyo Hub, Ciidan iyo Gaadiid.

Siyaasiyiinta ku dhaw-dhaw wadahadaladaas ayaa laga soo xigtay inay meel xasaasi ah ay marayaan wadahadalada u dhaxeeya Mamaulka jubbaland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, lama oga halka ay ku dambeyn doonaan wadahadaladaas, waa suurgal in marka dambe la is-afgarto, waana dhici kartaa in lagu kala boodo

WQ:C/Laahi Shiikhaalow